Hal-Wadaag Podcast Por Ismaaciil Cali Asad arte de portada

Hal-Wadaag

Hal-Wadaag

De: Ismaaciil Cali Asad
Escúchala gratis

OFERTA POR TIEMPO LIMITADO. Obtén 3 meses por US$0.99 al mes. Obtén esta oferta.

Boodhkastigani waa mid yoolkiisu yahey dadka in la gaadhsiiyo aragtiyaha kala duwan ee nolosha, dhaqanka iyo taariikhdaba.

Waxa barnaamijii lagu soo martiqaadi doona dadyaw kala duwan. Qof walba waxaan ka wareysan doono qeybta uu aqoonta u leeyahey.

Hosted on Acast. See acast.com/privacy for more information.

Ismaaciil Cali Asad
Arte Ciencias Sociales Espiritualidad
Episodios
  • Qarniyadii Dahabiga ahaa ee Islaamka (8–14aad)
    Sep 3 2025

    Qarnigii 8aad ilaa 14aad waxa dunida Islaamka ka hanaqaaday casrigii Dahabiga ahaa ee Muslimiinta. Waa waqti ay horumar weyn ka sameeyeen cilmiga, falsafadda, caafimaadka, xisaabta, xiddigiska, iyo farshaxanka. Magaalooyin sida Baqdaad, Qurtuba iyo Qaahira waxay noqdeen xarumo aqooneed oo dunida oo dhan saameyn ku yeeshay.

    Qeybtan cusub ee barnaamijkeenna waxaan si qoto dheer ugala sheekeysaney Cabdirisaaq Rakuub sababihii keenay horumarkaasi, hal-abuurkii iyo cilmibaaristii Muslimiinta ee waqtigaas, iyo sida uu dhaxalkoodu u saameeyay cilmi-horumarinta casriga maanta. Waxaan si gaar ah u taabaneynaa shaqooyinka culumada caanka ah sida Ibn Sina, Al-Khwarizmi, Al-Razi, iyo Ibn Rushd.

    Hosted on Acast. See acast.com/privacy for more information.

    Más Menos
    1 h y 15 m
  • Fahamka Hanti-goosadka: Noocyada iyo Dhaliilaha Hanti-goosadka
    Aug 25 2025

    Fahamka Hanti-goosadka: Dhaqaalaha, Noocyada iyo Dhaliilaha

    Qeybtan, Abdirnasir Ahmed wuxuu si qoto dheer uga hadlay dhaqaalaha guud. Wuxuu sharaxay asal ahaan nidaamka hanti-goosadka, sida uu u shaqeeyo iyo waxa lagu dhaliilo, gaar ahaan arrimaha ay ku dhaliileen hanti-wadaagu. Intaas kadib, wuxuu dul istaagay noocyada kala duwan ee hanti-goosadka ee dunida laga adeegsado, sida ay ula jaanqaadayeen hadba isbadalada dunida ka dhaca. Ugu dambeyn, Abdirnasir wuxuu si dul-istaagey dhaqaalaha Somaliland, iyo nidaamyada casriga ah ee dunida, sida Baanka Aduunka.

    Hosted on Acast. See acast.com/privacy for more information.

    Más Menos
    1 h y 7 m
  • Shuruucda Soomaalilaan iyo saameeynta ay ku yeeshaan dumarka
    Aug 18 2025

    Dumarka iyo Sharciga Somaliland

    Inkasta oo Dastuurka Somaliland uu si guud u dammaanad qaaday sinaanta muwaadiniinta, haddana dhaqanka iyo shuruucda qaarkood ayaa weli caqabad ku ah xuquuqda dumarka. Haweenku waxay inta badan wajahaan xaddidaad ku saabsan ka qaybgalka siyaasadda, helitaanka hantida iyo dhaxalka, iyo ilaalinta sharci ee xuquuqdooda bulshada iyo shaqada. Waxaa kale oo muuqda in qaabka garsoorka iyo dhaqanka bulshada ay inta badan ku adkaato in dumarku helaan cadaalad buuxda. Sida Hamda Raage ku tilmaantay wareysiga, dumarka Somaliland waxay wajahayaan caqabado sharciga iyo dhaqanka sida la isku waafajin lahaa, iyo sidoo kale, sinaan iyo cadaalad dhab ah.

    Hosted on Acast. See acast.com/privacy for more information.

    Más Menos
    1 h y 18 m
Todavía no hay opiniones