Episodios

  • Sidee u shaqeeyaa adeegga lacag-bixinta degdegga ah?
    Apr 7 2026

    Inkastoo ay Soomaaliya horumar ka sameysay adeegga bangiyada iyo shirkadaha kale ee ka shaqeeya arrimaha lacagaha, haddana dadweynaha iyo ganacsatada waxa ay culeys ku qabeen in lacagaha la isaga kala diri karin bangiyada iyo shirkadaha maaliyadda dhexdooda.

    Shirkadda Somali Payement Switch ayaa la sameeyay si ay u fududeyso adeegga lacag dirista iyo wax kala iibsiga, iyadoo la adeegsanayo bangiyo kala duwan.

    Qeybtan 44-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Ahmed iyo Cabdullahi Biixi Xuseen oo ah Maareeyaha Somali Payment Switch,waxa ay ku falanqeynayaan adeegyada kala duwan ee ay qabato shirkadda Somali Payment Switch iyo sida ay u fududeyso adeegga lacag bixinta degdegga ah.

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Más Menos
    1 h y 1 m
  • Sidee Loo Kordhin Karaa Dakhliga Canshuuraha ee Dowladda Hoose ee Degmada Cadaado?
    Mar 13 2026

    Degmada Cadaado waxa ay ka mid tahay degmooyinkii ugu horreeyay ee Dowlad-goboleedka Galmudug oo maamul iyo hay’ado shaqeeya yeesha. Dowaldda hoose ee degmadu waxa ay qaaddaa canshuur kala duwan, si ay adeegyo kala duwan ugu qabato. Hase ahaatee, maamulka degmada ayaanan soo xareeyn canshuur ku filan, sababo kala duwan awgood.

    Somali Public Agenda ayaa dhawaan daabacday daraasad ku saabsan “Sida loo kordhin karo Dakhliga Canshuuraha Dowladda Hoose ee Degmada Cadaado?” ayadoo la adeegsanayo habka cilmibaaris ee loo qayaanno Local Strategies Research (LSR) iyo hannaanka Evidence-Based Policy Design.

    Qeybtan 43-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Ahmed, agaasimaha SPA Policy Lab, iyo Farhia Mohamud oo ah cilmibaare ka tirsan Somali Public Agenda sidoo kalena hormuud u aheyd cilmibaarayaasha daraasadaas, waxa ay ku falanqeynayaan nuxurka daraasaddaas iyo waxyaabihii lagu ogaaday.

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Más Menos
    33 m
  • Sidee Hay’adda Dhowrista Xogta ugu Adeegtaa Muwaaddiniinta Soomaaliyeed?
    Mar 2 2026

    Xogaha kala duwan ee muwaadiininta ku saabsan waxaa gacanta ku haya hay’ado kala duwan, kuwaas oo dowli ah ama aan dowli aheyn. Waxaa lagama maarmaan ah in xogahaasi aan loo adeegsan si ka baxsan inta sharcigu oggol yahay.

    Qeybtan 42-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Ahmed iyo Maxamed Nuur Colow, oo ah Maareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha ee Soomaaliya, waxa ay ku falanqeynayaan kaalinta Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliyeed, oo ah haya’dda ku shaqada leh howlaha xog dhowrista iyo sida ay howlaha iyo adeegyada xog dhowrista ah uga shaqeyso.



    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Más Menos
    36 m
  • Af Soomaaliyeynta Erayada Loo Adeegsado Garaad-Gacmeedka (AI)
    Jan 22 2026

    Adeegsiga Artificial Intelligence ama Garaad Gacmeedka ayaa dunida aad ugu baahay sanadihii ugu dambeeyay. Soomaaliya, Garaad Gacmeedka waxaa loo aadgsadaa qeybo kala duwan. Sidaas oo ay tahay, ereyada Af Soomaaliga ah ee la xirriira Garaad Gacmeedka aad uma horumarsana. Dhawaanahan waxaa jiray dadaallo lagu horumarinayo turjumidda erayda la xiriira Garaad Gacmeedka ama AI, waxaana ka shaqeynayay aqoonyanno kala duwan.

    Qeybtan 41-aad ee Adeeg Wanaag Podacast, Aweis Ahmed, Dr. Peter Chonka oo bare sare ka ah Jaamacadda King's College ee London, iyo Maxamed Cabdimaalik oo ah madaxa hay’adda Jaantus oo ka shaqeysa horumarinta warbaahinta, waxa ay ku falanqeynayaan dadaallada la xririira Af Soomaaliyeynta erayada loo adeegsado Garaad Gacmeedka. Dr Peter & Maxamed waxa ay shaqeynayeen mashruuc Af Soomaali loogu turjumayo erayda la xirrira AI.


    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Más Menos
    38 m
  • Muxuu ka Shaqeyn Doonaa Guddiga Tacliinta Sare ee Dalka?
    Dec 8 2025

    Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee dalka, kaas oo ka shaqeyn doona hagidda iyo horumarinta hey’adaha tacliinta sare ee dalka.

    Qeybtan 40-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Ahmed iyo Prof. Cabdinur Sh. Maxamed oo ah guddoomiyaha guddiga, hore na u soo noqday Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare eee dalka, waxa ay ku falanqeynayaan guud ahaan howlaha tacliinta sare ee dalka, gaar ahaan howlaha horutabinta leh ee guddigu ka shaqeyn doono.

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Más Menos
    1 h y 6 m
  • Culeysyada Ka Jira Qaadashada Kaarka Aqoonsiga & Sida Hay’adda NIRA u Maareyso
    Nov 17 2025

    Hay'adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed (NIRA) ayaa waxa ay ku howlaneyd in muddo ah bixinta karaarka aqoonsiga dadweynaha. Balse dhowrkii bil ee ugu dambeeyay waxaa jirtay in dadweynuhu aad ugu xoomeen qaadashada kaarka, halkaasoo culeysyo kala duwan ay la kulmeen dadweynaha kaarka dalbanayay iyo howlwadeennada Hay’adda.

    Qeybtan 39-aad ee Adeeg Wanaag, Aweis Ahmed iyo Maxamed Cabdullaahi Juuni, oo ah agaasimaha Waaxda Howlgelinta ee hay’adda NIRA, waxa ay ku falanqeynayaan waxyaabaha sababay dadweynuhu in ay isku ciriiriyaan qaadashada kaarka aqoonsiga, culeysyada soo kordhay, sida Haya’ddu ay u maareysay illaa iyo hadda iyo waxa uga qorsheysan in la fuddudeeyo qaadashada kaarka.

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Más Menos
    1 h y 1 m
  • Xaaladda Caruurta aan Dugsiyada Aadin ee Muqdisho & Sida Lagu Xallin Karo
    Sep 16 2025

    Adeegga waxbarashada ee dalka, gaar ahaan, midka ka jira magaalada Muqdisho ayaa soo kabanaya. Sidaa oo ay tahay, waxaa la sheegaa tiro aad u badan oo caruurta magaalada ku nool in aysan aadin dugsiyada waxbarashada nidaamiga ah. Dhawaan waxaa la dabaacay daraasad ka hadleysa sababaha dhaliyay arrinkaas iyo sida lagu xallin karo.

    Qeybtan 38-aad ee Adeeg Wanaag podcast, Aweis Ahmed iyo Dr. Abdifatah Ismael Tahir oo hormuud u ahaa cilmibaarayaashii ka shaqeeyay daraasadda, waxa ay ku falanqeynayaan nuxurka daraasadda iyo waxyaabihii lagu ogaaday.

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Más Menos
    29 m
  • Adeegyada Xalka Waara iyo Horumarinta Reer Miyiga
    Sep 8 2025

    Colaadaha iyo musiibooyinka dabiiciga ah ee dalka ka jira waxa ay sababeen barakac baahsan, kaas oo saameyn weyn ku yeeshay bulshooyinka reer miyiga ah. Ku dhowaad afar milyan oo qof ayaa barakac ku ah gudaha dalka. Hay’adaha dowaliga ah, sida Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara iyo kuwa aan dowliga aheyn ayaa ku howlan xal-u-hellida dadka barakacayaasha ah.

    Qeybtan 37-aad ee Adeeg Wanaag Podacast, Dr. Aweis Ahmed iyo Zahra Abdi Mohamed, oo ah Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara, waxa ay ku falanqeynayaan howlaha la xiriira xal-u-hellida dadka barakacayaasha ah iyo horumarinta reer miyiga.


    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Más Menos
    43 m